Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

DFS. oo sheegtay ciidamada cusub ee Muqdisho ku soo jeeda aan saameyn ku yeelan doonin heshiiskii la gaaray.

Muqdisho, Arbaco, 23 July - 2008 [Radio Simba]

Xilli ay ku soo jeedaan magaalada Muqdisho ciidamada milatariga dowladda KMG ah ee tobabarka ku soo qaatay wadanka Ethiopia isla markaana ay dhici karto in ay sii kordhaan dagaalada wali ka sii soconaya caasimadda ayaa dowladda KMG ah waxay shaaca ka qaaday ciidamadaasi in aysan saameyn ku yeelan doonin xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada xooga, Saciid Maxamed Xirse Saciid Dheere oo u waramay idaacadda Simba ayaa waxaa uu xusay ciidamadaasi in ay u imaanayaa magaalada Muqdisho sidii kor loogu sii qaadi lahaa xaaladda ammaan ee caasimadda, isla markaana aan waxba u dhimi doonin heshiiskii xabad joojinta ee ay wada gaareen dowladda iyo qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka.

Mar wax laga weydiiyey ciidamadaasi in ay fariisimo ka dhigan doonaan gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu ku jawaabay "taargetkeynu ma'ahan reer gaar ah iyo goob gaar ah; suuqa Bakaaraha hadii uu yahay meel ay ku ganacsadaan shacab waxaa la ilaalinaa shacabkaasi naftiisa iyo maalkiisa hadiise uu goob dagaal yahay talaabo ayaa laga qaadi doonaa".

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha Somalia ay soo gaareen ciidamo aad u fara badan oo ka mid ah milatariga dowladda KMG ah kuwaasoo dhowaan tobabar ku soo qaatay wadanka Ethiopia.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani