Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Rasaas ay fureen ciidamada dowladda KMG ah oo sababtay dhaawaca dad rayid ah, duleedka Muqdisho.

Muqdisho, Arbaco, 23 July - 2008 [Radio Simba]

Labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ka dib markii rasaas ay u fureen halkaasi ciidamada milatariga dowladda KMG ah oo tobabarka dhowaan ku soo qaatay wadanka Ethiopia, kuwaasoo ku soo jeeda caasimadda, Muqdisho.

Sida ay ku warameen dad goob joogeyaal, dhaawaca dadka rayidka ah ayaa yimid ka dib rasaastii ay fureen ciidamadaasi, mana cada illaa iyo haatan sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintani.

Dhanka kale, cutubyo ka tirsan ciidamadan tobabarka ku soo qaatay wadanka Ethiopia ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay hadal hayaan si aad ah ciidamadan cusub, kuwaasoo uu sheegay taliska ciidamada xooga in ay qeyb ka qaadan doonaan arrimaha nabad galyada ee magaalada Muqdisho.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani