Ciidamada milatariga dowladda KMG ah ee dhowaan tobabarka ku soo qaatay wadanka Ethiopia kuwaasoo shalay soo gaaray gobolka Sh/Hoose ayaa saaka u soo dhaqaaqay caasimadda, Muqdisho, iyagoo ku soo lugeynaya wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamadan oo ah kuwo aad u fara badan isla markaana habeenkii xalay ku hoyday gudaha degmada Afgooye ayaa socdaalkooda waxaa uu hakad galiyey guud ahaan isticmaalkii wadadaasi ee gaadiidka dadweynaha.
Ciidamada ayaa qaarkood waxay gudaha u galeen xaafadaha ku teedsan wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadka deegaanka, mana jiraan wax howl galo ah oo ay wadaan.
Waxaa sara u sii kacaya cabsida iyo qal qalka soo wajahay shacabka ku dhaqan deegaanadaasi oo iyagu ka baqanaya weeraro ciidamadaasi kaga yimaada xoogaga la dagaalama dowladda KMG ah.
Socdaalka ay ciidamadan cusub saaka ku marayaan wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeysa ayaa ah mid ah ay soo bilaabeen magaalada Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan doonaan xaaladda Muqdisho oo ay ku soo jeedaan. |