Gudoomiyaha maamulka gobolka Bay, C/fataax Geesey oo u waramay idaacadda Simba ayaa ku tilmaamay go'aan sharci daro ah talaabooyinkii ay ku dhaqaaqeen xubnihii maamuli jira degmooyinka Qansax dheere iyo Ufurow oo ka mid ah degmooyinka gobolkaasi Baay.
Mr. Geesey waxaa uu intaa ku sii daray in aanu jirin wax istaqaalo ay xubnahaasi u soo gudbiyeen maamulkiisa iyo waliba wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG ah, isla markaana talaabadaasi ay tahay mid aan sharciga waafaq saneyn.
Warkan ka soo baxay maamulka gobolka Bay ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen qaar ka tirsan maamuladii degmooyinka gobolka Bay ay iska casileen xilalkii ay u hayeen dowladda KMG ah, kuwaasoo ku micneeyey arrimo ammaankooda la xiriira. |