Qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka KMG ah ayaa sheegay dowladda KMG ah in ay ku fashilantay in ay wax ka qabato marxaladda uu marayo dalka, isla markaana looga baahan yahay madaxda dowladda KMG ah in ay ka tanasulaan jagooyinka ay hayaan.
Xildhibaan Cali C/llaahi oo maanta ka hadlay dhaq dhaqaaqa iyo howsha hortaala xukuumadda R/wasaare Nuur Cadde ayaa tilmaamay in looga baahan yahay in ay ka dagto hogaanka dalka.
Arrinan ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay soo ifbaxayeen isqab qabsiga siyaasadeed ee la xiriira umuurta dalka Somalia. |