Waxaa xalay magaalada Rertunberg ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Deeq Cumar Garweyne kadib markii kooxo hubeesan oo burcad ah ay ku toogteen isagoo ku sugan goobtiisii ganacsiga.
Lama oga ilaa iyo hada sababta loo dilay ninkaan dhalinyarada ah, balse tani waxay qeyb ka tahay dilalka macnaha aan laheyn ee mar walbo lagu u gaarsado Soomalida wadankaan ku ganacsado taasoo kooxaha hubeesan ee madawga ah ay caadeesteen inay boobaan ama dilaan dadka Soomaalada ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika.
Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika mar uu lahadlaayey dad diblamasiin ah uu marti qaaday ayaa wuxuu sheegay dowladiisa inay udul qaadan doonin hada kadib dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibka ah, balse waxaa lays weydiinayaa hadaka madaxweenaha ma meel mari doonaa.
Cabdi Samad Axmed Nuur
Radio Simba,
Cape Town - S/Africa
|