Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Dil iyo dhaawac oo maanta loogu geestay askar ka tirsan dowladda KMG ah xaafadda Nasiib Buundow.

Muqdisho, Talaado, 22 July - 2008 [Radio Simba]

Askari ka tirsan dowladda KMG ah ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay xaafadda Nasiib Buundo oo ku taala inta u dhaxeyso degmooyinka Shibis iyo Kaaraan ee gobolkan Banaadir.

Dilkan iyo dhaawaca loo geestay askarta dowladda KMG ah ayaa waxaa ka dambeeyey Koox ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo goobta isaga tagay markii uu falkaasi dhacay ka dib, sida uu idaacadda Simba u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobtaasi gaaray wax yar ka dib markii falka uu dhacay, kuwaasoo isku gadaamay goobtaasi. Falkaasi ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka xaafadda Nasiib Buundo.

Inta badan xoogaga la dagalama dowladda KMG ah isla markaana ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ayaa ugaarsada ciidamada dowladda KMG ah, gudaha magaalada Muqdisho.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani