Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Howl galo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Kismaayo oo lagu soo qab qabtay kooxo burcad ah.

Muqdisho, Talaado, 22 July - 2008 [Radio Simba]

Ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo, xarunta gobolka J/Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen illaa 18 ruux oo lagu eedeynayo in ay ku lug leeyihiin falal burcadnimo ah, ka dib markii ciidamadaasi ay howl galo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi sacadihii lasoo dhaafay.

Taliye k/xigeenka ciidamada booliska magaalada Kismaayo, Dhamme Maxamuud ayaa ku waramay dadkaasi ay soo qab qabteen in ay gacanta kula jireen falal dambiyeedyo, isla markaana ay xabsiga u taxaabeen.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Kismaayo oo iyagu xilligan ka cabanaya dhinaca mushaaraadka ayaa waxay sheegeen in ay u dhabar adeegi doonaan wax ka qabashada arrimaha nabad galyada, iyagoona ka codsaday dadweynaha in ay garab ku siiyeen arrintaasi.

Inkastoo ay sidii hore ka yaaraadeen falalka burcadnimada tan iyo markii bulshada ku dhaqan Kismaayo ay sameysteen ciidamo madani ah ayaa hadana waxaa mararka qaar dhacda kooxo hubeysan in ay ku dhaqaaqaan falal ammaanka ka dhan ah qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, sida uu soo sheegay wariyaha Simba, Max'ed Cumar Max'ed.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani