Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Waxgaradka ka soo jeeda G/Sh/Hoose oo ku howlan xalinta xiisadaha colaadeed ee ka taaagan deg. Aadan yabaal.

Jowhar, Talaado, 22 July - 2008 [Radio Simba]

Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda gobolka Sh/Hoose ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday degmada Aadan yabaal isla markaana u dhaxeeya beelo wada dega degmadaasi oo gobolka ka tirsan.

Colaada u dhaxeysa labadani beelood ayaa waxaa ay sababtay geerida illaa 5 ruux oo mid ay haween tahay, iyo dhaawaca seddex ruux oo kale, iyadoo dadka u badan reer guuraa ay ka barakaceen goobaha ay ka taagan tahay xiisadahani colaadeed.

Odayaasha, waxgaradka iyo culuma udiinka ee dhinacyadan ay colaadu u dhaxeyso ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada iska soo horjeeda kuwaasoo colaadoodu ay salka ku heyso aargoosi qabiil.

Si kastaba ha ahaatee, colaadaha ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose ayaa iyagu maalinba mida ka dambeysa sii kordhaya, iyadoo ay isasoo tarayaan dilalka la xiriira aargoosi qabiilka.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani