Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Israsaaseyn xoogan oo goor dhoweyd ka bilaabatay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Muqdisho, Talaado, 22 July - 2008 [Radio Simba]

Inkastoo illaa iyo haatan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay ayaa waxaa degmada Afgooye xilligan ka soconeysa rasaas aad u xoogan taasoo u dhaxeysa ciidamada milatariga dowladda KMG ah ee dhowaan ku soo tobabartay dalka Ethiopi iyo xoogaga ka soo horjeeda siyaasadda dowladda KMG ah.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Simba Sheekha Caddow, waxaa albaabada loo laabay gabi ahaanba goobihii ganacsigii degmada Afgooye, iyadoo dadweynaha ay la soo gudboonaatay xaalad aad u qatar ah oo ay walaac fara badan ka muujinayaan.

Dagaalkan ayaa ku soo aaday xilli mudooyinkan ay si aad ah u hadal hayeen bulshada reer Afgooye ciidamada ku soo tobabarta dalka Ethiopia. Ciidamadaasi oo aad u hubeysan isla markaana labisan darees aan sidaasi uga duwaneyn askarta Ethiopia ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani