Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah oo baaritaano ku sameeyey degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid.

Muqdisho, Isniin, 21 July - 2008 [Radio Simba]

Ciidamo isugu jira askarta dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia oo wada socda ayaa maanta gudaha u galay qeybo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid, halkaasoo ay ka sameeyeen howlo baaritaano ah isla markaana ay dad ku soo qab qabteen.

Ciidamadan ayaa si toos ah u abaaray xaafado ka tirsan degmooyinkaasi sida, Carafaad, suuqa Towfiiq iyo Ceymiskawaxaayna ka soo qab qabteen seddex ruux oo dhalinyaro ah, sida uu idaacadda Simba u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka. Lama oga halka ay ula dhaqaaqeen dadkaasi.

Intii ay socdeen howlahan baaritaanada ayaa waxaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee deegaanadii ay ka howl galayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda federaalka KMG ah.

Inta badan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda federaalka ayaa baaritaano kula dhaqaaqay xaafadaha ku teedsan goobaha ay fariisimaha ka dhigteen, waxaana howl galadaasi marar badan lagu soo qab qabtay dad rayid ah oo aan shaqo ku laheyn dagaalada wali ka soconaya caasimadda, Muqdisho.

Galabdhicii shalay ayey aheyd markii dagaal kulul uu ka dhacay xaafadda Towfiiq, degmada Yaaqshiid wax yar ka dib markii weerar xoogan ay xoogaga hubeysan ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Ethiopia ka sameysteen gudaha degmadaasi Yaaqshiid.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani