Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamada DFS. oo gaaray deegaanka Yaaq bariweyne ee G/Sh/Hoose iyo cabsi xoogan oo halkaasi ka taagan.

Sh/Hoose, Isniin, 21 July - 2008 [Radio Simba]

Iyadoo dagaal aad u xoogan uu shalay galab ku dhex maray xogaga la dagaalama dowladda KMG ah iyo qaar ka tirsan ciidamo tobabar ku soo qaatay dalka Ethiopia, qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose ayaa ciidamadaasi waxay gaareen deegaanka Yaaq bariweyne.

Sida uu ku soo waramay wariyaha, Sheekha Caddow, dadka ku dhaqan deegaankaasi yaaq bariweyn ayaa la soo gudboonaatay cabsidii ugu darneyd iyagoo ka baqanaya weeraro suurta gal ah oo ciidamada ku sugan deegaankaasi kaga yimaada xoogaga ka soo horjeeda.

Waxaa sidoo kale laga barakacayaa guud ahaanba deegaanada ku yaala wadada laamiga ah ee isku xirta deegaanka yaaq bariweyne iyo degmada Wanla weyn ee gobolka Sh/Hoose.

Lama oga ciidamada dowladda KMG ah ee gaaray deegaanka yaaq bariweyne in ay halkaasi fariisin rasmi ah ka dhigan doonaan iyo in kale.

Shacabka ku dhaqan gobolka Sh/hoose ayaa iyagu si aad ah u hadal hayaan arrimahan la xiriira ciidamada, iyagoo ay tahay markii ugu horeysay oo cabsi intaasi la'eg ay soo wajahdo dadka ku nool gobolka Sh/Hoose.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani