Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Koox hubeysan oo dhaawac culus u geestay gudoomiyaha waaxda horseed ee degmada X/weyne.

Muqdisho, Isniin, 21 July - 2008 [Radio Simba]

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa maanta ku toogtay gudaha degmada X/weyne mid ka mid ah fanaaniinta hoboladii Waabari, isla markaana ah gudoomiyaha waaxda horseed, degmada X/weyne ee gobolkan Banaadir. Cumar Nuur Baasharax ayaa dhaawac ahaan goota looga qaaday.

Dhaawaca mas'uulkan ka soo gaaray rasaastii ay la beegsadeen kooxahaasi ayaa ah mid aad halis u ah, sida uu idaacadda SImba u sheegay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Nuur.

Maxamed Cumar Nuur waxaa uu intaa ku daray dhaawaca loo geestay Aabihiisa in uu ku soo beegmay xilli ay ku mashuul sanaayeen tacsida u taala ehelada mas'uulkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, falkan maanta dhaawac loogu geestay ayaa qeyb waxaa uu ka yahay falalka inta badan lagula beegsado xubnala la shaqeeya maamulka gobolka Banaadir, gudaha magaalada Muqdisho.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani