Waxaa ka dhaqan galay si rasmi ah degmada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe bandow ay habeenkii xalay ahaa soo rogeen ciidamada maxaakiimta islaamka ee gacanta ku haya degmadaasi, iyadoo dhaq dhaqaaqii magaalada uu istaagay gabi ahaanta wixii ka dambeeyey amarkaasi, sida uu soo sheegay wariyaha Simba.
Amarka bandowga ayaa yimid sida ay ku warameen saraakiil u hadashay ciidamada Maxaakiimta ka dib markii ay soo baxeen dad ay ku eedeeyeen dhibaato in ay u geesanayaan shacabka ku dhaqan degmada Jowhar.
Sh. Aadan Maxamed oo ah wakiilka gudoomiyaha maxkamadaha ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay ciddii jabisa bandowga in ay xabsi muteysan doonto, isagoona sheegay bandowga in ay uga goleeyihiin falalka amni dari.
Waa markii ugu horeysay oo amar bandow ah laga hirgaliyo degmada Jowhar tan iyo markii xoogaga Maxaakiimta Islaamka ay la wareegeen gacan ku heynta degmada. |