Iyadoo wali ay socdaan dadaalada dib u heshiisiineyd ee u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta ayaa qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG ah waxay shaaca ka qaadeen heshiiskii dhowaan lagu gaaray Jabuuti in uu fashil ku imaan karo hadii aysan wada hadalada ku soo biirin xubnihii aan ka qey galin kulanka.
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah xubnihii uga qeyb galay dowladda KMG ah kulankii Jabuuti ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday heshiiskaasi in uu soo wajahi karo caqabdo, isagoo sabab uga dhigay xubno muhiim ah oo ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta oo aan ka qeyb galin kulankaasi.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay xubnahaasi in ay ka qeyb galaan kulamada dib u heshiisiineyd ee lagu dhex dhexaadinayo dowladda KMG ah iyo xubnaha ka soo horjeeda siyaasddda dowladda, wuxuuna Qaramada Midoobay ka codsaday in ay qeyb ka qaadato arrintaasi. |