Israsaaseyn mudo daqiiqado ah socotay oo galabta ka dhacday xaafadda Towfiiq, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa dhex martay ciidamada Ethiopia oo fariisin ku leh halkaasi iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda. Israsaaseyntaasi ayaa dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Inta la ogyahay labo ruux oo rayid ah, kuwaasoo ku sugnaa agagaaraha isgoyska Towfiiq ayaa halkaasi ku geeriyooday, waxaana rasaastii labada dhinac ay isweedaarsanayeen ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii gawaarida ka shaqeysa xaafadda Towfiiq oo hakad ku yimid, goob jooge ayaa ku waramay.
Dhalinyarada fara badan oo ku sugnaa xaafadda Towfiiq ayaa durbadiiba bilaabay in ay ka cararaan guryahooda iyagoo ka baqanaya ciidamada Ethiopia in ay baaritaano kula dhaqaaqaan guryaha ku teedsan goobta ay israsaaseynta ka dhacday.
Xaaladda goobtaasi ayaa imminka lagu soo waramayaa in ay caadi ku soo laabatay, iyadoo dhacdadan ay qeyb ka tahay falalka maalintii ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho. |