Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Xafiiskii hey'adda Horn Relieve ee magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose oo albaabada loo laabay.

Muqdisho, Axad, 20 July - 2008 [Radio Simba]

Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray xafiiskii hey'adda Horn Relieve ee magaalada Kismaayo, xarunta gobolka J/Hoose ayaa lagu sheegay gabi ahaanba in albaabada loo laabay xafiiskaasi, talaabadaasi oo dhanka nabad galyada la xiriirta, sida ay hey'addu xustay.

Hey'adda Horn Relieve oo ka mid ah hey'adaha samafalka ee ka howl gala gudaha dalka ayaa sidoo kale joojisay mashaariicdii ay ka waday deegaanada Galbeed ee magaalada Kismaayo.

Talaabadan ayaa saxafadda waxaa u xaqiijiyey agaasimaha guud ee hey'adda Horn Relieve oo warmurtiyeed ka soo saaray xafiiska hey'adda ay ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

17-kii bishii May ayay aheyd markii gudaha Kismaayo lagu dilay Axmed Baariyoow oo ka tirsanaa saraakiisha hey'adda Horn u joogay gudaha dalka Somalia.

Hey'adda Horn Relieve oo maanta shaaca ka qaaday si rasmi ah in ay u joojisay mashaariicdii ay ka waday magaalada Kismaayo ayaa noqoneysa talaabadii labaad oo ay qaadaan hey'adaha ka howl gala magaalada, iyadoo hey'adda MSF ay hore talaabadan oo kale u qaadatay, 28-kii bishii January.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani