Kulan looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey ee la xiriira arrimaha nabad galyada ee gobolka Hiiraan ayaa isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidmada Ethiopia ee ku sugan guurta Janta kuundishe ee gudaha gobolkaasi.
Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay tacadisho la sheegay ciidamada Ethiopia in ay kula kacaan gawaarida sida rakaabka, iyo waliba ka bixitaanka xoogaga maxaakiimta islaamka gudaha gobolkaasi Hiiraan.
Kalankii maanta ayaa waxaa uu daba joogaa kulamo ay hore u yeesheen odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia, kuwaasoo sheegay in aysan gudaha u gali doonin gobolka Hiiraan hadii gabi ahaan xoogaga Maxaakiimta ay ka baxaan gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa wali qabyo u ah howsha ku aadan ciidamo madani ah oo loo sameeyo deegaano ka tiran gobolkaasi, talaabadaasi oo qeyb ka ah heshiisyadii ay gaareen labada dhinac. |