Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Qasaaraha ka dhashay dagaaladii ka dhacay degmada Badhaadhe oo sii kordhay.

Muqdisho, Sabti, 19 July - 2008 [Radio Simba]

Waxaa isasoo taraya qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhex marayey beelo wada degan deegano ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/Hoose.

Qasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareyso inka badan 14 ruux halka dhaawacyada ay gaarayaan labaatameeyo ruux.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in deegaanadii lagu dagaalamay ay ka soconayaa abaabul dagaal, iyado maleeshiyaadka dagaalamayna ay wali is-hor fadhiyaan.

Dagaalada u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa waxay salka ku hayaan aanooyin qabiil, iyadoo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose ay ka soconayaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaaladaasi.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani