Mudanayaasha baarlamaanka federaalka KMG ah oo maanta isugu yimid kulankooda caadiga ah ayaa waxay dood ka yeesheen arrimo la xiriira dhaqaalaha dalka.
Kulankii maanta ayaa waxaa shir gudoominayey afhayeenka baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana war bixino uu ka dhageystay baarlamaanka guddigii uu dhowaan u xil saaray dhanka maaliyadda.
Intii kulanka uu soconayey ayaa Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu soo hadal qaaday mudayaasha baarlamaanka ee inta badan aan ka qeyb galin kulamada kuwaasoo dibadda ku maqan, isagoo afhayeenka baarlamaanka arrintaasi s ku cel celis uga hadlay.
Mana jiraan wax go'aano oo uu baarlamaanka ka soo saaray maqnaanshaha xubnahaasi ka tirsan baarlamaanka ee iyagu dibad ku maqan, inkastoo uu dhowr jeer oo hore arrintaasi ay isla soo qaadeen mudanayaasha baarlamaanka. |