Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Odayaasha Hawiye oo ugu baaqay in ay dagaalada joojiyeen beelaha ku dagaalamay gobolka J/Hoose.

Muqdisho, Sabti, 19 July - 2008 [Radio Simba]

Ka dib warsaxaafadeed oo ay maanta soo saareen xubnaha ku jira golaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayey ugu baaqeen in joojiyaan dhinacyada ku dagaalamaya qeybo ka mid ah tuulooyin hoos taga gobolka J/Hoose.

Odayaasha Hawiye ayaa xusay xilligan in aan loo baahneyn dirirta u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee wada daga gobolkaasi, waxayna tilmaameen golahooda in uu gacan ka geesan doono soo afjarida dagaaladaasi oo dhibaato hor leh u keenaya shacabka tabaaleysan.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale loogu baaqay maamul goboleedka Puntland in uu hakiyo xariga loo geesanayo dadka shacabka ah ee ku safraya goobaha uu ka jiro maamulkaasi, iyadoo warsaxaafadeedkan uu warbaahinta u aqriyey Xuseen Sheekh Aadan.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani