Iska horimaad xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/Hoose, isla markaana dhanka galbeed kaga toosan xarunta gobolkaasi ee magaalada Kismaayo.
Warar naga soo gaarayo deegaanadaasi ayaa sheegaya dagaalkaasi in uu dhaliyey qasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac isla markaana ay ku geeriyoodeen ugu yaraan toban ruux halka labaatan kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Warka ayaa waxay intaa ku darayaan in lagu guuleystay dadaalo ay wadeen odayaasha deegaanka kaasoo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa dagaal beeleed mudooyinkan ka taagan degaano ka tirsan gobolka J/Hoose. |