Maalmihii ugu dambeeyey dalka Yemen waxaa ka soconayey kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadankaasi ku nool, kulankaasoo ku aadan in ay cod buuxo iyo hididiilo ay galiyaan kulanka dhex dhexaadinta ah ee u soconaya xubnaha ku jira isbaheysiga dib u xoreynta.
Jaaliyadahan ayaa kulamo waxay la yeesheen qaar ka mid ah hogaanada isbaheysiga dib u xorenta iyagoo ku bogaadiyey in dhameeyaan qilaafka soo kala dhex galay, si nabadda loo wada gaaro loogana gudbo dhibaatooyinka halakeeyey shacabka Soomaaliyeed.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ayaa ka codsaday madaxda isbaheysiga dib u xoreynta dalka kulankooda in ay guul ku soo gaba gabeeyaan iyadoo la eegayo dhibaatada heysata ummadda Soomaaliyeed ee ku baaba'aya gudaha iyo daafaha caalamka. |