Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Wadada isku xirta gobolka Sh/Dhexe iyo magaalada Muqdisho oo soo hagaageysa.

Jowhar, Khamiis, 17 July - 2008 [Radio Simba]

Waxaa dib ka soo hagaageysa xaaladda ammaan ee wadada isku xirta gobolka Sh/Dhexe iyo magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, ka dib markii halkaasi ay dhowr jeer howl galo ka fuliyeen ciidamada Maxaakiimta Islaamka, sida uu ku soo waramay wariyaha Simba.

Wadada dheer ee u dhaxeysa gobolada dhexe iyo caasimadda ayaa hore waxyeelo loogu geesan jiray dadka ku safraya gawaarida isa kala guushta wadadaasi, iyadoo dhacdadii ugu dambeysay lagu rasaaseeyey gaari rakaab ah oo ka ambabaxay Muqdisho, deegaan ka tirsan degmada Jowhar.

Balse, tan iyo markii ammaanka guud ee degmada Jowhar, xarunta gobolka Sh/Dhexe ay la wareegeen xoogaga Maxaakiimta Islaamka waxaa istaagay dhaq dhaqaaqii dableyda hubeysan ay ka wadeen wadooyinka gala gobolkaasi.

Marka laga soo tago ammaanka wadada u dhaxeysa gobolada dhexe iyo caasimadda oo soo hagaageysa ayaa hadana waxaa jira burbur ka muuqdo wadadaasi, kuwaasoo caqabad ku noqonaya gawaarida safarka ah.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani