Iska horimaad la'isku adeeg saday rasaasta kala duwan ayaa habeenkii xalay waxay ku dhex martay ciidamada booliska dowladda KMG ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo waliba joogitaanka ciidamada Ethiopia gudaha dalka, xaafadda fursal ee magaalada Baydhabo.
Iska horimaadka oo dhex maray labadan dhinac ayaa waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii ay kooxahaasi weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada booliska dowladda KMG ah ay ku lahaayeen xaafadda fursal ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi Bay.
Intii iska horimaadkan uu soconayey ayaa la tilmaamay xoogagii weerarka soo qaaday ay la wareegeen saldhigga mudo saacado ah, waxaana illaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha kala gaaray dhinacyadii dirirtu ay dhex martay.
Waana markii ugu horeysay oo xoogag la dagaalama dowladda KMG ah weerar ceynkan oo kale la bar tilmaameed sadaan saldhigga ciidamada booliska oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo saaka ay xaaladdu degan tahay. |