Afhayeenka ciidamada booliska ahna taliyaha qeybta Waliyow Cadde, C/llaahi Xasan Bariise ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen rag soo labistay dareeska ciidamada oo u geesanayey falal ka baxsan bini'aadanimada dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah gobolkan Banaadir.
Mr. Bariise waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan ragga kale oo ay ciidamada booliska ku daba jiraan isla markaana ay howl galo ku soo qab qabanayaan ay dhowaan sameyn doonaan.
Afhayeenka ciidamada booliska waxaa uu sheegay in ay wax ka badali doonaan howlihii ciidamada booliska isla markaana ay howshaasi dar dargalinayaan.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka ka soo baxay afhayeenka ciidamada booliska ayaa ku soo beegmaya xilli cabasho xoogan ay ka soo baxeen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegayey in ay dhibaato ku qabaan rag labisan dareeska ciidamada dowladda. |