Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Nuur Cadde isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya u waramay wakaaladda wararka AFP waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu u tanasulo wax walba oo nabad lagu heli karo hadii xittaa ay noqon laheyd in uu ka tanasulo jagada Ra'iisal wasaarenimo.
"Ma'ahan waxa aan halkaan u joogo in aan awood sheego balse waxaa ay tahay in aan babad ugu baaqo dhammaan cid walba oo arrintaasi ay quseyso, waana midda aan ugu yeerayo in la'isugu yimaado miiska wadahadalka si loo wada hadlo".
Mar la weydiiyey hadii xukuumaddiisa ay la hadleyso dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay R/wasaare Nuur Cadde in uu la hadlyo cid walba nabad u keeni karta dalka Somali.
R/Wasaare Nuur Cadde oo da'diisu ay tahay 70-jir ayaa waxaa uu xafiiska qabtay bishii November 2007-da, xilligaasoo uu ku baaqay nabad in uu dalka uu ku soo dabaalo ka dib markii uu badalay R/wasaarihii hore, Cali Max'ed Geedi oo lagu qasbay in uu iscasilo. |