Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

R/wasaare xigeenka DFS, Axmed C/salaan oo baarlamaanka uga war bixiyey heshiiskii Jabuuti.

Muqdisho, Arbaco, 16 July - 2008 [Radio Simba]

Ra'iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka warfaafinta dowladda federaalka, Axmed C/salaan ayaa maanta hor tagay golaha baarlamaanka KMG ah. Axmed C/salaan ayaa xubnaha baarlamaanka uga war bixiyey heshiiskii ay dhowaan ku gaareen dowladda KMG ah iyo qaar ka tirsan xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta, magaalada Djibouti.

Axmed C/salaan oo ka war bixinayey kulankii dhowaan ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa uu sheegay in gudaha dalka ay ka dhaceen dhaq dhaqaaqyo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo lagu majaxaabinayo arrimaha dib u heshiisiinta.

Ra'iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntii waxaa uu ku nuux nuuxsaday in dhibaatooyinka ka taagan gudaha Somalia ay u muuqanayaan kuwo gacmahooda ay ku kasbanayaan dadweynaha.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani