Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Dagaal la'isku adeeg sanayo hubka cul culus oo goor dhowey ka qarxay fagaaraha Tarabuunka ee mag. Muqdisho.

Muqdisho, Talaado, 15 July - 2008 [Radio Simba]

Dagaal xoogan oo goor dhoweyd ka qarxay fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada Ethiopia iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye gudaha dalka Somalia.

Dagaalkan ayaa la'isku adeeg sanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, oo laga maqlayo qeybo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaan illaa iyo haatan la ogeyn, waxaa uuna ku soo beegmayaa xilli saacadihii hore ee maanta dagaalkan la mid ah uu ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani