Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa afar iyo labatankii saac ee la soo dhaafay la gaarsiiyey illaa 30 ruux kuwaasoo qaba dhaawacyo kala gadisan, iyadoo qaarkood ay heleen daryeel caafimaad.
Cali Cadde oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee ka howl gala Madiina ayaa u sheegay wariyeyaasha dhawacyadaasi in 16-ka mid ah la seexiyey cisbitaalka halka inta kale dib loogu celiyey guryahooda ka dib markii ay gar gaar u fidiyeen.
Cali Cadde waxaa uu intaa ku daray in dadka intooda baday ay waxyeeladu ka soo gaartay madaafiicdii habeenkii xalay ku dhaceysa qeybo kala duwan oo ka mid ah magaaladan Muqdisho.
Dagaalada ka dhacay caasimadda, Muqdisho ayaa inta badan waxyeelo ba'an ka soo gaartay dadka rayidka ah. |