Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Guddiga dib u heshiisiinta oo soo dhoweeyey dadaalada lagu dhex dhexaadinayo isbaheysiga dib u xoreynta.

Muqdisho, Talaado, 15 July - 2008 [Radio Simba]

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa soo dhoweeyey dadaalada dib u heshiisiineyd ee maalmahan ugu soconaya wadanka Yemen xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta dalka.

Gudoomiyaha guddigan, Ismaaciil Macalin Muuse, oo ka hadlay kulamadaasi ayaa sheegay in ay muhiim u yihiin shacbiga Soomaaliyeed oo iyagu xilligan marxalad aad u adag maraya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahan kulamo lagu dhex dhexaadinayo xubnaha ku midoobay isbaheysiga dib u xoreynta uu ka soconayo wadanka Yemen, ka dib markii xubnahaasi uu qilaaf soo kala dhex galay wixii ka dambeeyey kulankii ka dhacay wadanka Jabuuti.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani