Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Meydadka dad isugu jira rag iyo dumar oo laga helay agagaarka xaruntii warshadda Baastada ee mag. Muqdihso.

Muqdisho, Isniin, 14 July - 2008 [Radio Simba]

Illaa seddex ruux oo rayid ah ayaa meydadkooda laga helay agagaarka xaruntii warshadda Baastada ee magaalada Muqdihso. Meydadkan ayaa labo ka mid ah waxaa ay yihiin dumar halka midka kale uu rag yahay.

Lama oga sababta loo dilay dadkaasi iyo waliba cidda sida tooska ah u beegsatay.

Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay goobaya ay ka barakaceen dadweynihii halkaasi ku noolaa intooda badan ka dib markii halkaasi ay ka dhaceen dagaalo soo noq noqday, mana ahan markii ugu horeysay oo meydadka dad rayid ah degmadaasi lagu dhex arko.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani