Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Gudoomiyaha maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir oo isku day dil ka bad baaday.

Muqdisho, Isniin, 14 July - 2008 [Radio Simba]

Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd ka dhacay gudaha degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho kaasoo lala damacsanaa gaari uu saarnaa gudoomiyaha maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.

Mr. Qoorleex oo xiriir la sameysay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyey in qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, isla markaana uu ka bad baaday qaraxaasi la damacsanaa in lagu qaarijiyo.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo weerar ceynkan oo kale lala eegto gudoomiyaha maamulka degmada X/jajab, kaasoo sida muuqata lagu doonayo in lagu qaarijiyo.

Hore ayaa dilal qorsheysan iyo weeraro lagu dilay xubno fara badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir waxaa mas'uuliyadda sheegtay xoogaga hubeysan ee la dagaalamaya dowladda KMG ah iyo waliba milatariga Ethiopia.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani