Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Tiro hoobiyeyaal ah oo loo qeybiyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Isniin, 14 July - 2008 [Radio Simba]

Qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa haatan si xoogan looga maqlayaa hubka cul culus oo ay ka mid yihiin hoobiyeyaal iyo madaafiic kale. Hoobiyeyaashan qaarkood ayaa ku dhacaya xaafado kala duwan oo ka mid ah magaalada. Illaa iyo haatan ayaan la ogeyn qasaaraha halka uu gaarayo.

Warar ayaa sheegaya in goor dhoweyd weerar xoogan lala eegtay dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taasoo keentay in ay jawaabo ka bixiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, Howl wadaag iyo xaafado kale oo ka baxsay goobahani.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda magaalada Muqdisho kala soco wararkeena dambe.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani