Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Kismaayo, Taliyaha qeybta booliska gobolada Jubbooyinka, Jen. Axmed Maxamuud ayaa waxaa uu kaga hadlay boob xoogan oo lagu hayo dhul ay laheyd dowladdii dhexe, isagoona ka digay cawaaqib xumo ka dhasha boobkaasi.
Jen. Axmed Maxamuud, taliyaha qeybta booliska gobolada Jubbooyinka ayaa ugu baaqay dadka ku howlan boobka dhulkaasi ay laheyd dowladdii dhexe ee dalka in ay ka waantoobaan, isla markaana ka fogaadaan.
Sidoo kale baaq kaasi la mid ah ayuu u jeediyey taliyaha ciidamada qeybta booliska ee Juubbooyinka waxgaradka iyo xildhibaanada golaha baarlamaanka KMG ah ee ku sugan magaalada Kismaayo in ay wax ka qabtaan, isla markaana ay is hortaagaan boobka lagu hayo xeradii daraawiishta.
Hadalkan ka soo yeeray taliska ciidamada qeybta booliska gobolada Jubbooyinka ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan ay soo ifbaxeen boob lagula kacayo dhul ay laheyd dowladdii dhexe oo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. |