Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Axmed Diiriye Cali ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan uu soo saaray taliska ciidamada booliska qeybta Waliyow cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay sheegeen in ay cambaareynayaan Odayaasha Hawiye.
Axmed Diiriye Cali oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Odayaashooda ay ka shaqeynayaan sidii nabad ay u gaari lahaayeen dadka shacabka ah.
Waxaa uuna ku eedeeyey dowladda KMG ah in ay qeyb ka qaadato boqolaaka ruux ee ku geeriyoonaya gudaha dalka tan iyo marka ay ciidamada Ethiopia soo galeen, sida uu hadalka u dhigay.
Odayaasha dhaqanka iyo midnimada B/Hawiye ayaa dowladda federaalka KMG ah sidoo kale waxay ku eedeeyeen in ay qeyb ka tahay dhibaatada loo geesanayo umadda Soomaaliyeed, iyadoo dad aad u fara badana ay ka barakaceen wixii markaasi ka dambeeyey caasimada, Muqdisho.
Dhowaan ayey aheyd markii hadal uu soo saaray taliska ciidamada booliska qeybta Waliyow cadde, C/llaahi Xasan Bariise kaasoo uu ku eedeeyey Odayaasha Hawiye in ay dhibaatada dalka ka taagan ay qeyb ka qaateen. |