Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraynayaa isla markaana ku tilmaamay xasuuq aad u fool xun falal ay shalay ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah ka geysteen deegaanka Dayniile, Muqdisho.
Isbaheysiga ayaa xusay in xasuuqaas uu ka horimaanayo heshiiskii lagu gaaray magaalada Jabuuti bishii hore ee Juun.
"Isbahaysigu wuxuu kaloo beesha caalamka ugu baaqayaa in ay kaalintooda ka soo baxaan, islamarkaana cadaadis ku saarto dawladda Itoobiya in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo gudaha Soomaaliya, caddaaladdana la horkeeno kuwo gumaadka geysanaaya". ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu soo saaray madaxa warfaafinta isbhayeysiga.
"Wuxuu Isbahaysigu si cod dheer ah kor ugu dhawaaqayaa in xalka ummadda Soomaaliyeed uu ku jiro sidii lagu heshiiyay oo ah in ciidanka Itoobiya uu Soomaaliya ka baxo, shacabka Soomaaliyeedna ay aayahooda ka tashadaan".
"Xasuuqyada la geysanaayo iyadoo la wado dadaal nabadeed wuxuu astaan u yahay carqalad lagu sameynaayo hawlaha nabad raadinta Soomaaliya". |