Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamada dowladda KMG ah oo deegaanka Daynuunay oo galay heegan balaaran ka dib dagaalo halkaasi ka dhacay.

Daynuunay, Sabti, 12 July - 2008 [Radio Simba]

Ammaanka deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay ayaa si weyn loo adkeeyey, waxayna ciidamada halkaasi ku sugan ay galeen heegan balaaran iyo dhaq dhaqaaq ay ku muujinayeen ammaanka halkaasi, ka dib markii dagaal halkaasi uu ku dhex maray ciidamda dowladda KMG ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xilliyadii ugu dambeeyey ayaa deegaanka Daynuunay waxaa ku sii qul qulayey gawaarida gaashaaman oo ka ambabaxaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo u muuqda in ay kaabayaan ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daynuunay.

Ciidamada milatariga dowladda KMG ah ee deegaankaasi Daynuunay ku jira ayaa waxaa la tilmaamay in ay saldhigyo cusub ka sameysteen agagaaraha deegaankaasi, inkastoo aan la xaqiijin karin inta baaxadooda.

Dhowaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Daynuunay ayaa waxaa uu saameyn balaaran iyo cabsi xoogan ku yeeshay dadka ku dhaqan deegaankaasi oo haatan sheegay in ay dareemayaan xaalad deganaansho, iyadoo gudoomiyaha deegaankaasi uu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay u turaan shacabka halkaais ku dhaqan.

Deegaanka Daynuunay oo 20-Km kaga toosan dhinaca bari xarunta gobolka Bay ayaa waxaa uu halbowle u yahay xaqiijinta magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka federaalka KMG ah ee Somalia.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani