Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Askari ku dhaawacmay qarax bam baano oo xalay lagula beegsaday degmada Waabari ee mag. Muqdisho.

Muqdisho, Jimce, 11 July - 2008 [Radio Simba]

Qarax habeenkii xalay ka dhacay inta u dhaxeysa labada buundo ee kala qeybisa degmooyinka X/jajab iyo Waabari ee gobolkan Banaadir ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo halkaasi ku sugnaa.

Qaraxani oo ahaa bam gacmeed ayaa inta la ogyahay waxaa uu geestay dhaawac soo gaaray mid ka mid ah ciidamada dowladda KMG ah. Waxaana qaraxa ka dib ciidamadaasi ay fureen rasaas, taasoo aan la ogeyn qasaaraha kale ee goobtaasi ka dhashay.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay baaritanao ka wadaan hareeraha goobtii xalay bamka lagula beegsaday.

Inta badan ciidamada dowladda KMG ah ayaa baaritaano kula dhaqaaqa goobaha ay weerarada kala kulmaan, iyagoona goobahaasi badanaaba ka soo qab qabta dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani