Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamda Ethiopia oo qarax lagula beegsaday deegaanka Towfiiq ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Jimce, 11 July - 2008 [Radio Simba]

Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd ka dhacay deegaanka Towfiiq degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo wadada marayey.

Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Ethiopia ayaan la ogeyn qasaara ka soo gaaray ciidamadaasi qaraxa lala eegtay. Ciidamada Ethiopia ayaa rasaas fara badan furay markii uu qaraxa dhacay.

Ciidamada Ethiopia oo qaraxa lala eegtay ayaa baaritaano ka bilaabay xaafada ku dhow dhow goobta lagu weeraray, iyadoo dhacadan ay saameyn ku yeelatay howlhii ganacsiga ee deegaanka Towfiiq.

Qaraxan ayaa qeyb waxaa uu ka yahay weerarada inta badan ay ciidamada Ethiopia kala kulmaan xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo waliba joogitaanka ciidamadaasi gudaha dalka.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani