Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Somalia oo noqotay xeebaha ugu qatarsan biyaha dalalka afrika oo sanadkan ay ka dhaceen 114 weeraro.

Muqdisho, Jimce, 11 July - 2008 [Radio Simba]

Hay'adda ilaalad badaha (IMB) ayaa sheegtay in xeebaha dalalka Afrika ay noqdeen biyaha ugu qatarsan caalamka marka loo eego sanadkan aynu ku jirno kadib markii ay ka dhaceen weeraro lagu afduubayo maraakiibta xeebaha isaga gooshta. Waxaana hay'adu ay sheegtay in xeebaha ugu qatarsan biyaha dalalka afrika ay yihii xeebaha Soomaaliya iyo Nigeria.

Xafiiska hay'ada badaha caalamiga ayaa sheegtay in sanadkan bilowgiisa ay ka dhaceen xeebahaasi weeraro gaaraya ilaa 114 oo burcad badeed ay ku qaadeen maraakiib xeebahasii isaga kala gooshaysay, ilaa iyo 126 shilna ay dhaceen iyagoo ay weerardaasi ay ahaayeen kuwo isasoo tarayey.

Madaxa hay'ada badaha caalamiga oo xarun ku leh magaalada London ee dalka Ingiriiska Mr. Pottengal Mukundan ayaa warbixin ku sheegay in ay aad u yar tahay isla socoshada xiriirka maraakiibta xeebahaasi maraya iyo burcad badeeda oo isticmaala hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna falalka lagu dhacayo maraakiibta ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Sanadkan aynu ku jirno waxaa gabi ahaan caalamka waxaa ka dhacay oo la diiwaangeliyay 62 dhacdooyin oo ku saabsan weeraro dhanka xeebaha ah oo burcad ay gaysteen, iyadoo 6-dii bilood ee ugu dambeeyey ay dhaceen in gaaraya 52 weerar.

Xeebaha Soomaaliya ayaa warbixintu sheegtay in ay ka dhaceen 24 weerar, halka dalka Nijeriyana ay ka dhaceen 18 weerar kaasi oo noqonaya wadanka labaad ee ugu badan burcad badeeda afduubta maraakiibta.

24-ka weerar ee ka dhacay xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku jira 19 weerar oo ka dhacay gacanka cadmeed xeebaha dhanka waqooyi ka xiga, waxayna noqonaysaa in xeebaha Soomaaliya ay yihiin xeebaha ugu qatarsan biyaha wadamada Afrika.

Saraakiisha badaha caalamiga ayaa sheegay in xeebaha bada cadmeed ay mudooyinkii ugu dambeeyey ka dhaceen falal afduub oo ay gaysanayeen burcad badeed kuwaasi oo ku hubaysnaa qoryaha garabka laga rido, kuwa boobaha iyo saanado kale oo militeri.

Dalka Nigeriya ayaa weerarada ugu daran waxa ay ka dhacaan xeebaha ku teedsan magaalada Lagos ee dalkaasi.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in wadanka Indonesia uu noqonayo wadanka 3 aad ee ugu qatarta badan dhanka xeebaha, waxayna hay'adu sheegtay in ay ka dhaceen 13 weerar.

Hay'ada IMB ayaa sheegtay in 190 badmaaxiin shaqaale ah lagu afduubtay badaha dunida, iyagoo 7 kalena la dilay kuwo kalena aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen inkastoo shaqaalahaasi la aaminsan yahay in ay dhinteen.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani