Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Iska horimaad culus oo xalay ka dhacay wadada ku dhirirsan xeebta Jaziira ee degmada Afgooye.

Afgooye, Jimce, 11 July - 2008 [Radio Simba]

Iska horiymaad aad u xoogan ayaa habeenkii xalay ka dhacay dhulka keynta ah ee ku dhirirsan xeebta Jaziira degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Illaa iyo haatan si dhab ah looma xaqiijin qasaaraha uu geestay iska horimaadkaasi.

Iska horimaadka ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose iyo ciidamo kale oo taabacsan Jaamac Buluu, oo isagu dhowaan sheegtay in uu yahay gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/Hoose.

Dagaalkan oo la'isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayey hugunka hubkaasi iyo rasaasta kale deegaanada ku heeran goobta ay ku dagaalameen labada dhinac.

Lama oga waxa dhabta ah ee dhaliyey dagaalkan, waxaa uuna ku soo beegmay maalin ka dib markii ciidamo uu wato Jaamac Buluu ay gaareen xarunta gobolka Sh/Hoose, isagoona ku dhawaaqay in uu yahay gudoomiyaha maamulka gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, saaka ayaa waxaa degan xaaladda goobihii ay xalay ku dagaalameen labadan ciidan ee kala taabacsan maamulka gobolka Sh/Hoose iyo Jaamac Buluu oo isagu sheeganaya gudoomiyaha maamulka gobolka.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani