Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Dowladda Mareykanka oo cambaareysay dilka Sarkaalka Qaramada Midoobay.

Nirobi, Arbaco, 09 July - 2008 [Radio Simba]

Dowladda Mareyanku ayaa waxay cambaareysay dilkii loo geystay Cusmaan Cali Axmed, oo ahaa madaxii Muqdisho Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP). Waxyana tacsi u dirtay qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Cusmaan, iyadoo u mahad naqday dadaalkii caafimaad ee ay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka ee Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika si loo badbaadiyo nolosha Cusmaan.

“Dilka Cusmaan waa fal waxashnimo ah oo dhacay xilli isaga, wiilkiisa iyo walaalkiis ay ka soo baxayeen masjidka, waxayna taasi muujineysaa sida kooxaha mayalka adage e qas-wadayaasha ah ay uga go'an tahay inay weeraraan xaqa qofku u leeyahay inuu wax caabudo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanku waxaa ay ugu baaqday Soomalida oo dhan inay sida wadajir ah u shaqeeyaan iyagaoo adeegsanaya wadahadal nabadeed iyo tanaasul, iyadoo maanka lagu hayo Heshiiskii Jabuuti ee June 9keedii, isla markaana ay gacan ka geystaan badbaadada dhamman shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ku sugan.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani