Howl galo ay saaka ka sameeyeen wadada Makka Al-mukarrama illaa deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho ciidamada Ethiopia ayay ku qab qabteen qaar ka mid ah dadka goobaha ganacsiga ku leh halkaasi iyagoona dadkaasi qaarkood jirdilo u geestay.
Soo qab qabashada dadkan iyo waliba jirdilka loo geestay ayaa ka dambeysay mar ay saaka ciidamada Ethiopia baaritaano ka bilaabeen wadada dheer ee u dhaxeysa xarunta madaxtooyada illaa deegaanka KM-4. Waxaana jirta qaar ka mid ah dadkaasi oo hore ay u sii kaxeysteen sida ay idaacadda Simba u sheegeen dad goob joogeyaal.
Ciidamada Ethiopia ayaa inta badan howl galo baaritaano ah ka sameeya wadooyinka ay isticmaalaan ee magaalada Muqdisho. |