Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah oo ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday isgoyska Floransa.

Muqdisho, Axad, 06 July - 2008 [Radio Simba]

Israsaaseyn u dhaxeysa ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan isgoyska Floransa degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta ka dhacday halkaasi. Mid ka mid ah askarta dowladda KMG ah ayaa ku dhaawacmay Intii ay socotay israsaaseyntaasi.

Israsaaseyntan maanta ka dhacday degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ayaa timid ka dib markii ciidamada ku sugan halkaasi ay bilaabeen baaritaano ay ku sameynayeen gawaarida bl-ka ah, waxaana halkaasi ku weeraray kooxaha ka soo horjeeda, dadka deegaanka ayaa sidaasi ku waramay.

Israsaaseyntan ayaa saamey ku yeelatay isku socodkii gaadiidka ee wadada isku xirta isgoyska Floransa iyo suuqa Bakaaraha, oo gabi ahaanta mudo daqiiqado ah hakad ku yimid intii rasaasta ay soconeysay, inkastoo xaaladda markii dambe caadi ku soo laabatay.

Si kastaba ha ahaatee, ma'ahan markii ugu horeysay oo israsaaseyn ku dhex marto ciidamada dowladda KMG ah ee fariisinkoodu yahay xariyaale, isla markaana halkaasi ay waxyeelo ka soo gaarto ciidamadaasi ka tirsan dowladda kMG ah.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani