Maanta ayaa qarax bam baano lagu weeraray suuqa jaadka lagu iibiyo ee magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Seddex ruux rayid ah ayaa qaraxaasi dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen, sida uu soo sheegay wariyaha Simba uga soo warama gobolka, Cismaan Aadan Careys.
Koox hubeysan ayaa bam gacmeed ku tuuray suuqa jaadka magaalada Balad weyn xilli goobtaasi ay dadku si weyn ugu xoomsanaayeen. Waxaana goobtaasi durbadiiba isaga cararay kooxdii weerarka geesatay.
Warar aan ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Balad weyn lala damacsanaa nin ka shaqeeya suuqaasi jaadka, isla markaana qaadka iibiya.
Dhanka kale, waxaa sare kac ku yimid qiimaha lagu raaci gaadiidka safarka ah ee ka shaqeeya magaalada Balad weyn iyo gobolada dalka, iyadoo dadweynaha xilligan si aad ah u buux dhaafinayaan goobaha boosteejooyinka ee gawaarida laga raabo.
Arrintan ayaa ku soo aaday xilli dadka ku dhaqan magaalada Balad weyn ay dareemayaan cabsi aad u xoogan oo la xiriirta daalo halkaasi mar kale ku dhex mara ciidamada Ethiopia xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda ka dib markii uu fashil ku dhamaaday kulankii shalay dhex maray Itoobiyaanka iyo odayaasha dhaqanka deegaanka. |