Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Gudoomiye k/xigeenkii maamulka degmada Yaaqshiid oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay degmadaasi.

Muqdisho, Sabti, 05 July - 2008 [Radio Simba]

Gudoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir, Xasan Cilmi Abti doon ayaa ku geeriyooday qarax miino oo goor dhoweyd ka dhacay gudaha degmadaasi. Goobtaasi ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday qaar ka mid ah ilaaladii la socotay mas'uulkaasi.

Qarax loo adeegsaday miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala eegtay gaari uu la socday gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Yaaqshiid iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Waxaana dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah askartii la socotay.

Geerida gudoomiye k/xigeenkii maamulka degmada Yaaqshiid waxaa idaacadda Simba u xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaasi ee dowladda KMG ah soo magacaawday Xasan Jurus.

Falkan maanta lagu qaarijiyey gudoomiye k/xigeenkii maamulka degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah weerarada inta badan lala beegsao xubnaha ku jira maamulka gobolka Banaadir.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani