Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Magaalada Gaalkacyo oo qarax xoogan lagula eegtay ciidamada booliska maamulka goboleedka Puntland.

Gaalkacyo, Jimce, 04 July - 2008 [Radio Simba]

Qarax miino oo nooca goobaha fog-fog laga hago ayaa habeenkii xalay lagula bar tilmaameed saday ciidamada booliska maamul goboleedka Puntland gaari ay la socdeen gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo dhanka kale warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qaraxaasi.

Taliyaha ciidamada booliska maamul goboleedka Puntland, C/rashiid Cadceed ayaa u xaqiijiyey idaacadda Simba in qaraxaasi uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah ciidamada la socotay gaariga miinadu lala eegtay, isla markaana uu jiro bur-bur soo gaaray gaarigaasi.

Howl galo ay sameeyeen ciidamada booliska maamulkaasi markii qarax uu dhacay ayaa la sheegay in ay ku soo qab qabteen illaa toban ruux oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale, warar dheeraad ah oo idaacadda Simba ay ka dheshay dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxii xalay ay ku geeriyoodeen illaa 3 ruux rayid ah, halka tiro kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Xilliyada habeenkii ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka jira amar bandow ah oo maamulka uu soo rogay, mana ahan markii ugu horeysay oo gudaha magaaladaasi uu qarax ka dhaco kaa oo geesta qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani