Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha ku jira golaha baarlamaanka federaalka KMG ah ayay dood kulul ka yeesheen in xildhibaanada baarlamaanka la kala diro iyo in baarlamaanka uu sii wato howlihiisa caadiga ah.
Kulanka maanta ayaa shir gudoominayey afhayeenka baarlamaanka KMG ah, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe). waxaana dood dheer ka dib uu ku dhaqaay Sh. Aadan Madoobe natiijadii ka soo baxday kulankii maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka.
Sheekh Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka uu sii wadan doono howlihiisa caadiga ah, ka dib markii xildhibaanadii ka qeyb galay kulankii maanta intooda badan ay isku raaceen in baarlamaanka uu howshiisa sii wato.
Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyey iyadoo howlahaasi ay ka qeyb qaadanayeen cubutyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha magaaladaasi Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
|