Afhayeenka dhinaca ciidamada Maxkamadaha Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa ka war bixiyey dagaalkii dhowaan ku dhex maray ciidamadiisa iyo kuwa Ethiopia degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaa uuna xusay in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 7 ka mid ah xoogaga Maxkamadaha Islaamka isla markaana 9 kale ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.
C/raxiim Ciise Caddow, afhayeenka xoogaga Maxkamadaha Islaamka oo u waramayey idaacadda Simba ayaa beeniyey, isla markaana ku tilmaamay wax lasoo dhoodhoobay war bixintii ciidamada Ethiopia ay kaga hadashay dagaalkii dhowaan ka dhacay gudaha gobolka Hiiraan. Sh. C/raxiim ayaa tilmaamay in ciidamada Ethiopia dagaalkaasi ay ku dileen tiro aad u fara badan oo askarta Ethiopia ka mid ah.
Afhayeenka ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa ku celiyey in ciidamada Ethiopia ay ku beegsan doonaan beel walba oo gudaha dalka Somalia kaga sugan yihiin.
Dhowaan markii dowladda Ethiopia ay soo saartay war ay ku sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ay ku dileen ciidamada Ethiopia 71 ka mid ah xoogaga hubeysan ee la dagaalama ciidamada Ethiopia kana soo horjeeda dowladda federaalka KMG ah. |